privacy

Qaanuunka Arrimaha Qarsoon – Myxisaab

Qaanuunka Arrimaha Qarsoon

Waxaan ku xidhnaa inaan ilaashano xogtaada iyo qarsoonidaada.

1. Macluumaadka aan ururino

  • Xogta aad gashid: Magacyada macaamiisha, nambarka taleefanka, deynta, iyo bixinta ayaa lagu kaydinayaa si loo maareeyo.
  • Xogta qalabka: Nooca qalabka iyo version-ka app-ka si loo cusboonaysiiyo.
  • Ma ururinno xogta shakhsiyeed ee aan loo baahnayn (sawirrada, contacts, iwm).

2. Sida loo isticmaalo xogtaada

  • Si aad u maareysid deynta iyo ganacsigaaga.
  • Si loo cusboonaysiiyo app-ka iyo horumariyo.
  • Ma iibinno ama la wadaagin xogtaada shirkado kale.

3. Kaydinta iyo ammaanka

Xogtaada waxaa lagu kaydinayaa servero ammaan leh. Waxaan isticmaalaynaa hababka ugu fiican ee ammaanka si aan u ilaashano xogtaada.

4. Xuquuqdaaga

  • Waxaad codsan kartaa inaan kuu soo dirno xogtaada.
  • Waxaad codsan kartaa inaan tirtirno xogtaada.
  • Waxaad joojin kartaa ururinta xogta.

5. Isbeddelada qaanuunkan

Haddii aan wax ka beddelno qaanuunkan, waxaan ku soo bandhigi doonaa app-ka iyo website-ka. Fadlan ku soo booqo mararka qaar.

6. Nala soo xidhiidh

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan qaanuunka arrimaha qarsoon, fadlan noo soo dir email support@myxisaab.com ama WhatsApp +252 615950973.

Scroll to Top